Wasaaradda Hawlaha Guud DFS oo ka shaqaynaysa Mashruuc hormarinta Degmooyinka.

29 October, 2025

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ku…

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah oo lagu falanqeynayay dib-u-eegista waxqabadka Mashruuca Nagaad kaas oo lagu horumarinayo magaalooyinka dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray natiijooyinka la gaaray iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo hirgelinta mashruuca iyadoo lagu soo bandhigay guulo la taaban karo oo qeyb weyn ka qaatay horumarinta magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiir Cilmi ayaa uga mahadceliyay hay’adaha iyo kooxaha fulinta mashruuca sida ay ugu dadaaleen horumarinta kaabayaasha magaalooyinka isaga oo ballan qaaday in Wasaaraddu sii xoojin doonto taageerada ay siiso hay’adahaas.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in la qorsheynayo in la xalliyo caqabadaha ku horgudban hirgelinta mashaariicda magaalooyinka si loo gaaro isbeddel muuqda oo waara.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay guddoomiyeyaasha magaalooyinka dowlad-goboleedyada mas’uuliyiin ka kala socday heer Federaal iyo Maamul Goboleed iyo maamulka Gobolka Banaadir oo dhamaantood muujiyay isku duubni iyo wada shaqeyn ballaaran.