Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland oo eedeysay Wasaaradda Maaliyadda.

9 October, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Maxamed Siciid Balaak ayaa maanta si kulul u eedeeyay Wasaaradda…

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Maxamed Siciid Balaak ayaa maanta si kulul u eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland xili uu ka hadlayey doomo si sharci daro u kalluumeysanayey, isagoo tilmaamay wasaaradda Maaliyada in ay si sharci darro ah u bixisay warqado fasax kalluumeysi oo ay lacag uga qaaday, kuwaas oo uu sheegay in ay caqabad ku noqdeen dakhligii usoo xaroon jiray Wasaaraddiisa. Wuxuu sheegay in Maaliyaddu bixisay warqado lacag qabasho ah oo ay ku kalluumaysanayeen doonyo ay leeyihiin ajaanib iyo muwaadiniin Soomaaliyeed.

Balaak ayaa sheegay in dhaqaalahaas uu ahaa mid si toos ah ugu iman jiray Wasaaradda Kalluumaysiga balse uu hadda hakad galay sababo la xiriira faragelinta Wasaaradda Maaliyadda. “Dakhligii soo gelayay wasaaradda waxaa muuqata in ay is hortaagtay Wasaaradda Maaliyadda. Haddii wasaaradaha la hor istaago shaqadooda, ma sii shaqayn doonaan,” ayuu yiri Agaasimuhu, isagoo ku baaqay in la dhowro nidaamka maaliyadeed ee sharciyeysan.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo ka Hortagga Dembiyada Badda Puntland, Cabdimajiid Samatar Maxamuud Jaafaan, ayaa difaacay Wasaaradda Maaliyadda, isagoo sheegay in dakhli kasta oo dowladda soo gala uu hoos yimaado maamulka Wasaaradda Maaliyadda. Wuxuu tilmaamay in sida uu qabo sharciga maamulka maaliyadda guud ee Puntland ee soo baxay 15-kii Agoosto 2023, Wasaaradda Maaliyaddu tahay sanduuqa keliya ee qasnadda dowladda, isla markaana ay masuul ka tahay uruurinta iyo maareynta dhammaan dakhliga iyo kharashaadka dowladda.

Cabdimajiid Jaafaan ayaa sheegay in aysan jirin hay’ad kale oo shaqadeeda caqabad ku noqon karta, isagoo carabka ku adkeeyay in Maaliyaddu tahay tiirka dhexe ee nidaamka dowladeed. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dhammaan wasaaradaha kale ay u hoggaansamaan nidaamka maaliyadeed ee lagu xakameeyo dakhliga iyo kharashaadka dowladda si looga hortago musuq iyo isqabqabsi hay’adaha dhex mara.