Wasiir Bakiin oo u jawaabay shaqsiyaad shir ku qabtay Nairobi.

18 November, 2025

Wasiirka Wasaaradda amniga xukuumadda Puntland Ibraahim Xaaji Bakiin ayaa si adag uga jawaabey hadal ka soo…

Wasiirka Wasaaradda amniga xukuumadda Puntland Ibraahim Xaaji Bakiin ayaa si adag uga jawaabey hadal ka soo yeeray qaar kamid ah waxgaradka gobolka Bari oo shir ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir Bakiin oo warfidiyeenka kula hadlay deeaganka Dhaadaar ee togga Jacayl oo 9 bilood kahor ay ka arriminaysay Daacish, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqsiyaad ku sugan Nairobi ay dhaliilaan wiilasha dalkooda ka difaaca cadawga iyo hawlgalka Hillaac.

Waxa uu sheegay in dagaalka guulo waaweyn laga gaarey ayna Daacish ku soo ururtay 4KM oo hadda lagu hareeraysan yahay, isagoo xusay in shaqsiyaadka hadlay ay kujiraan kuwa xilligii ay dalka ka arriminayeen Daacish qabsatay Cal-miskaad.

“Waxaan maqlay kuwa Nairobi ku shiraya oo leh dagaalka Cal-miskaad wax kajira majiraan, dalalka xilal ayey ka hayeen oo Daacish dalka kama xorayn, maanta nasiib wanaag waxaan joognaa dalkii oo xor ah oo horumar ka socdo, ninka maanta Nairobi kafeega ku cabbaya waa nasiib darro tiinii ayaad gabteenne mid kale haka hadlinina”, Ayuu yiri wasiir Xaaji Bakiin.