Wasiir Bal-cad,”Mucaaradku waa inay xisbi furtaan oo madaxda la tartamaan”.

29 May, 2025

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay…

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay samaystaan xisbi siyaasadeed gaar ah ayna la tartamaan hoggaanka dowladda.

Wasiirka ayaa ugu horrayn sheegay in Somalia ay isu diyaarinayso doorashooyin dadweyne,”Xilligan oo ay Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyin heer deegaan iyo heer Federaal ah, waxaa aad muhiim u noqonaysa kaalinta Xisbiyada siyaasadda, waxaan rajaynaynaa inay Siyaasiyiinta Mucaaradku awooddooda isugu geeyaan sidii ay u samayn lahaayeen xisbi habaysan oo ku dhisan fikrado, kana qayb qaata dhismaha hay’ado dowladeed oo adag”.

Wasiir Cali Bal-cad ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in mustaqbalka qaranku uusan kujirin mucaarad ayse tahay in hanaan dimuquraadi ah lagu tartamo awooddana lagula kala wareego.

“Mucaaradku waxaan u soo jeedinaynaa in ay isu yimaadaan oo ay sameystaan xisbi siyaasadeed oo si xilkasnimo leh u tartami kara, doorashooyin geli kara, isla markaana qaabey kara mustaqbalka Qaranka, iyagoo u maraya siyaasad, balse aan kaliya ahayn cabasho iyo mudaaharaad”. Ayuu yiri