Siihayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay safiirka…

Siihayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Staffan Tillander.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay is-bedalka maaliyadda dalka, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada Sweden ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaa maanta Xarunta W. Maaliyadda kula kulmay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo aan ka wada hadalnay isbadalka Maaliyadda iyo taageerada ay siiso Dowladda Federal ka Soomaaliya”
Wasiir Beyle
Horseed Media