Wasiir Bidhaan,”Wixii reer SSC u dhimanayeen waxay ahayd in xildhibaanadooda lagu doorto Laasscaanood”.

20 April, 2025

Wasiirka Batroolka iyo khayraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Sool…

Wasiirka Batroolka iyo khayraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Sool ayaa ka hadlay halka lagu soo dooran doono xubnaha golaha wakiilada Somalia ku matali doona SSC KHATUMO.

Xildhibaan Bidhaan oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Laascaanood ayaa la waydiiyey haddii xubnaha barlamaanka kumatal SSC lagu soo dooran doono Puntland ayaa sheegay inaysan middaasi suurgal ahayn.

Bidhaan, wuxuu sheegay in wixii loo dirirayey ayna bulshada SSC KHATUMO naftooda u hureen ahayd in xubnaha barlamaanka lagu soo doorto Laascaanood, wixii hadda ka dambeeyana ay rumoobi doonto middaasi.

“Xildhibaanada xaggee laga soo dooranayaa? Waxaba waxaan ugu dhimanaynay in xildhibaanada Laascaanood laga soo doortay ahayd, haddii meel kale lala aado wuxu dhadhan badan yeelanmaayaan marka xildhibaanada halkaanaa laga soo dooranaya”, Wasiir Cabdullahi Bidhaan.