Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Somalia ayaa shaaca ka qaaday inuu dhammaad yahay doorkeedii dhismaha dowlad goboleedka…

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Somalia ayaa shaaca ka qaaday inuu dhammaad yahay doorkeedii dhismaha dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Somalia Clai Yuusuf Cali, oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Magaalada Laascaanood ayaa shaaciyey cidda ay DFS la doonayso hoggaanka maamulkaasi, isagoo odayaasha dhaqanka ku amray inay muddo 2 cisho ah ku soo xulaan xubnaha barlamaanka.
“Maamulka hawshiisii anaga inyar ayaa nagu dhimmaan, Waqooyi Bari waxay u baahan tahay cid la tijaabiyey oo aan innaba lalleemo aan gelin majirto cid layska siinayo idinkayna idinku xiran tahay “, Ayuu yiri wasiir Cali Xoosh.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray,”Xildhibaanada marka la soo xulo oo guddoonkii la doorto maalintaasaa anaga hawli naga dhacday wixii ka dambeeya idinka lee waaye, odayaasha waxaa la rabaa si deg deg ah oo aan ka badnayn 2 beri inay ku soo xulaan xildhibaanada”



