Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa khudbad dardaaran ah u…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyey xildhibaanada cusub ee maamulka Waqooyi Bari Somalia, oo kulan ku yeeshay Magaalada Laascaanood.
Cali Xoosh oo ahaa fuliyaha qorshayaasha DFS ee ku aaddan dhismaha maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa khudbaddiisa si aad ah ugagag hadlay dhammaystirka maamulka, doorashada hoggaanka sare iyo cidda ay tahay inay u doortaan xafiiska.
Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay garab taagnaan doonto maamulkaasi, haseyeeshee looga baahan yahay yeelashada saaxiibbo siyaasadeed, doorashada shaqsiyaad xiriir wanaagsan laleh DFS iyo inay quuraan xilalka ugu sarreeya ee maamulkaasi si loo gaaro qodobada hore.
“Xubnaha ugu sarreeya halakan waa guddoomiyaha, labadiisa ku-xiegeen, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, DFS dowladdaan waxay u rabtaa saaxiibbo badan inay yeelato, marka waa in wax la quuraa oo dowladnimada iyo daneheeda laga hormariyaa”, Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.



