Wasiir Caydiid “Doorashada qof iyo Cod ee DFS iyo tii Puntland isku mid ma aha”

28 September, 2025

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si adag uga jawaabay hadal uu horay u sheegay…

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si adag uga jawaabay hadal uu horay u sheegay Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku tilmaamay in doorashada “qof iyo cod” ee Madaxweyne Xasan Sheekh qabanayo ay la mid tahay tii Puntland uu ka qabatay Madaxweyne Siciid Deni.

Dirir ayaa sheegay in doorashada Puntland ka dhacday dhammaan degmooyinka maamulka iyadoo xisbiyadu ay si xor ah ugu samaynayeen olole iyagoo amaan dareemaya, halka uu sheegay in dowladda federaalka aysan heysan amni lagu kalsoonaan karo oo u saamaxaya in ururrada siyaasadeed ay si xor ah uga ololeeyaan Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay gacanta ku hayso.

Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu dhaliilay nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dowladda federaalka isagoo ku eedeeyay in dadka isdiiwaangelinaya ay yihiin kuwo marar badan la diiwaangeliyey qofkii, taasoo oo uu sheegay inay meesha ka saarayso hufnaanta iyo caddaaladda doorashada.

Caydiid wuxuu sheegay in doorasho dimuqraadi ah oo dhab ah lagu qaban karo Soomaaliya marka la helo amni guud oo lagu kalsoonaan karo isla markaana xal waara laga gaaro caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska dalka, maadaama weli ay jiraan dhulal badan oo aan si buuxda uga talin dowladda federaalka.

Puntland ayaa sanadkii 2023 ku guuleysatay inay doorashooyin qof iyo cod ah ka qabato ilaa 36 degmo oo dhamaan deegaanadeeda ah, taasoo lagu doortay golayaasha deegaanka. Hase yeeshee Puntland ayaa ka hor timid qorshaha dowladda federaalka ee doorashada qof iyo cod, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu faragelin ku sameeyay dastuurka KMG ah isla markaana siyaasadeeyay geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.