Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in wakiilada beesha caalamku ay kasii aamin baxayaan Villa Somalia iyo hoggaanka…

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in wakiilada beesha caalamku ay kasii aamin baxayaan Villa Somalia iyo hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federalka ah ee Somalia.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa waraysi gaar ah oo uu bixiyey ku sheegay in beesha caalamku ka niyad jabtay hanaanka dowladnimo ee Somalia laguna aamini waayey sirdoonkii iyo arrimii ammaanka.
“Beesha Caalamku maalin walba waa ka deyrinayaan Xasan Shiikh oo waxay lee yihiin waa ku khasaarnay, waan ka guuraynaa, laguma kalsoonaan karo, xog sirdoon laguma aamini karo”, Ayuu yiri Wasiir Dirir.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in dowladaha daneeya amniga Somalia ay kalsooni buuxda u qaadeen hanaanka ciidanka Puntland u dabar goynayaan argagixisada Daacish ayna siin doonaan taageero buuxda.
“Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Mareykanka waxay kalsooni buuxda ku qaadeen in Puntland tahay saaxiib dhab ah oo kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah. Waad arkaysay dorraad buurta halka ugu sarraysa in diyaaradaha Mareykanku ciidamada Puntland Raashin ugu daadinayeen”.