Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in dhaqdhaaqyada DFS ka waddo gobolada Sanaag iyo Haylaan ay caqabad ku…

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in dhaqdhaaqyada DFS ka waddo gobolada Sanaag iyo Haylaan ay caqabad ku yihiin ammaanka guud ee gobolka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab.
Wasiirka wasaaradda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in rag xilal sarsare horay u soo qabtay ay dhaqaale ku soo qaateen hirgelinta mashruuc ay iska diideen bulshada reer Sanaag isla markaana ay gacan siinayaan kooxda Alshabaab oo ammaanka gobolka caqabad ku ah.
“Niman siyaasiyiin ah oo gobolka ka soo jeeda horayna Mas’uuliyiin sarsare uga ahaa dowladda Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey siyaasad gurracan looga soo dhiibey Muqdisho ayaa shirar ka wadey gobolka Sanaag, mana jiraan ciidamo kale kaliya Ceelbuh waxaa joogey ciidankii ammaanka u xil saarnaa, gobolka Sanaagna Alsahabab ayaa deegaamo u dhaw joogta oo aad ayaa loo ilaaliyaa ammaankiisa”, Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale.
“Majirto cid laga horjoogsaday abwaankana shirarkiisii waa qabsanaayey dadka Sanaag iyo Haylaan ayaa ka soo horjeestey goboladaas oo 2023 ay ka dhacday doorashadii dimuquraadiyadda ayna ka hawlgalaan hay’adii kala duwanaa ee dowladda Puntland, dhaqdhaqaaqaas gurracan wuxuu halis ku yahay ammaanka guud ee deegaanka”, Ayuu yiri markale.



