Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta…

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.
Gabagabadii kulanka, Madaxa Howlgalka AUSSOM ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay dalka uga dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.




