Wasiir Fiqi oo ka hadlay duqayntii Maraykanku ku diley Caaqil Cumar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dilkii caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo Maraykanku…

6 November, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dilkii caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo Maraykanku ku dilay duleedka degmada Badhan 13-kii Sebteembar 2025.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Somalia Axmed Macallin Fiqi oo ay Senator Saynab Tiinbiye oo matasha Sanaag wax ka weydiisay dilka caaqilka ayaa sheegay inay wax ka ogaayeen duqaynta ka dhacday gobolka Sanaag, haseyeeshee Puntland wax laga waydiiyo xogaha sirdoon ee deegaanka.

Wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso dhacdadaas, kaddib su’aasha laga weydiiday cidda mas’uul ka ahayd weerarka caaqilka iyo sababta loo beegsaday.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa horay u sheegay in dowladda Somalia ay ka caawisay dilka Cumar oo Maraykanku uu si aan sal iyo baar lahayn ugu eedeeyey inuu hub sharcidarro ah u soo iibin jiray Al-shabaab.