Wasiir Fiqi oo sheegay in ciidanka DFS ka qayb qaataan dagaalka Daacishta Puntland.

5 April, 2026

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ka hadlay doorka dowladda federalka ah ee Somalia…

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ka hadlay doorka dowladda federalka ah ee Somalia ku leedahay dagaalka kooxda Daacish & sida ay uga qayb qaataan ciidamada ka amar qaata ee ku sugan deegaamada Puntland.

“Wasaaradda gaashaandhiggu waa hambalyeynaysaa meelkasta iyo cidkasta oo la diriraysa Daacish iyo Alshabaab, waxay mudan yihiin garab istaag iyo inaan la siyaasadayn, cadawga Soomaaliyeed meeshii lagu naafeeyo waa dhibaato umadda ka hartay”, Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhanka kalena, Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federalka ah ka amar qaata ee ku sugan Puntland ay amar ku qabaan inay gacansiiyaan kuwa maamulka ee dagaalka kujira.

“Ciidanka Xoogga ee jooga Puntland, waxay gacan-siiyaan kuwa maamulka, waxay xoreeyeen Calmiskaad, waxay ilaaliyaan magaalada muhiimka ah ee Boosaaso”, Ayuu yiri Markale Wasiir Fiqi.