Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan…

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo koox xuluufadiisa ah inay yihiin gooni-goosad raadis, isagoo xusay in dhammaan shacabka Somaliland aysan qabin arrintaasi.
“Waxa go’itaanka raadinaya waa koox goonni-goosad ah oo Cabdiraxmaan Cirro hoggaamiyo, kuwaasi oo maamula gobolka Waqooyi Galbeed, ma dhihi karno Somaliland”, Ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in dadkii horay uga mid ahaa maamulka Somaliland 50% ay dhisteen maamul u gaar ah oo hoostaga dowladda federalka ah ee Somalia.
“Somaliland 50% waxay laba sanno ka hor ku dhawaaqeen maamul hoostaga dowladda Federaalka Soomaaliya,koox goonni-goosad ah oo quus taagan”, Ayuu yiri markale Wasiir Fiqi.



