Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa taageero u muujiyay Ilhan Cumar isaga oo fariin garab…

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa taageero u muujiyay Ilhan Cumar isaga oo fariin garab istaag ah ku baahiyay bartiisa Facebook. Fiqi ayaa si cad u sheegay in uu la jiro Ilhan taas oo hadalkiisa kicisay falcelin siyaasadeed gudaha iyo dibadda.
Fiqi wuxuu Ilhan ku tilmaamay gabar tusaale fiican u ah bulshada isaga oo xusay in ay guulo ku gaartay Maraykanka iyadoo aan cidna ku tiirsanayn. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhaleeceynta lagu saleynayo asalka dhalashada ay tahay wax aan la aqbali karin.
“Haddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi doonaa… Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya si cad ayaan u leeyahay Waxaan la jirayaa Ilhan,” ayuu qoray Wasiirku.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii Ilhan Cumar ay wajahday dhaleeceyn culus oo uga timid Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaas oo ka hadlay dalka ay kasoo jeedo iyo qaabka qaxootiga ah ee ay ku gashay Maraykanka. Arrintaasi waxay dhalisay dood adag oo si weyn looga hadal hayo dalkaas.
Ilhan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa marar badan wajahday dhaleeceyn la xiriirta aragtideeda siyaasadeed iyo asalka dalka ay ka soo jeedo ee Soomaaliya. Si kastaba, waxay taageero ballaaran ka heshaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka iyo gudaha Soomaaliya.



