Wasiir Fiqi oo tallaabo milatari ugu goodiyey madaxda dowlad goboleedyada.

14 April, 2026

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay soo afmeeridda maamulada…

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay soo afmeeridda maamulada diidan qorshaha dowladda, isagoo xusay in ciidanka Soomaaliyeed gaari doonaan dhammaan gobolada dalka.

“Waxaan maraynaa xilli dad waaweyn oo madaxihi ay ku hadlaan ciidankii Soomaaliyeed markay arkaan anagaa nala soo weerarayaa taasi meel laga soo noqon doono weeye, waa hubaa in sidii Baydhabo looga soo dhaweeyey deegaamada Soomaaliyeed oo dhan looga soo dhaweyn doono”, Ayuu yiri Fiqi.

Dhanka kalena, Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalku amar ku qabaan inay soo xiraan xuduudaha tallaabana ka qaadaan cidkasta oo ka hortimaadda dowladda federalka ah ee Soomaaliyeed.

“Nidaamka federalku ma ahan xuduudka dowlad goboleedka in la yiraahdo cid iisoo gelaysa ma ahan albaabadiina waa xiran yihiin, dembi ka weyn ma jirto marka qof hoggaamiye Soomaaliyeed ah ku dhawaaqao inuu dowladdii Soomaaliyeed xiriirka u jaro, ciidanku waxay soo afjarayaan arrinkaasi, xuduudaha ay soo xirayaan dhib haddii la arkana waa ka hawlgelayaan”, Ayuu yiri Fiqi.