Wasiir Fiqi oo weerar ku qaaday GMS iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa weerar ku qaaday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta mucaaradka…

4 April, 2026

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa weerar ku qaaday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta mucaaradka iyo guud ahaan xisbiyada siyaasadeed ee aan ka qaybgelin doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Axmed Macalin Fiqi, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ku eedeeyey siyaasiyiinta mucaaradka inaysan raali ka ahayn horumarka dalka, ayna buunbuuniyaan dhacdooyinka falalka ammaanka liddiga ku ah ee ka dhaca dalka.

“Xisbi xisbiyada kamid ah ayaa qareen ajnabi ah u qabtay in 9 xubnood oo kamid ah barlamaanka Somalia ku biiraan golayaasha Bariga Africa, waa kuwa Khawaarijtu meel qabsata buunbuuniya ee ka xun guulaha ciidanka qaranka”, Ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka oo muujiyey inaysan dowladdu raali ka ahayn dibadbaxyada Muqdisho ayaa yiri,”Waa kuwa Islaamo inta Muqdisho ka soo ururiyey oranaya horteena ku cabaada, kuwaas inaan u jawaabno xitaa haddi nala yiraahdo aamusa dambi ayaan gelaynaa.”