Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar ku qaaday madasha samatabinta…

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar ku qaaday madasha samatabinta mucaaradka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xubnaha mucaaradku aysan istaahilin in waqti lagu dhumiyo ama la siiyo fursad ay wada xaajood kula galaan madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia.
Waxa uu si gaar ah u beegsaday RW hore Rooble, Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Axmed Ciise Cawad, Khayre iyo xubno kale oo katirsan mucaaradka Somalia.




