Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta madasha…

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta madasha mucaaradka ee ka aragtida duwan dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
“Xubnihii Madasha ku haray xikmaddii waa ka sii yaraanaysaa, maalin walba umadda horteeda ayay ku ceeboobayaan.
Oday Waayeel kaarkiisa in ay xoqdaan ayay isku dayeen waxay sababtay saldhig booliis in ay weeararaan, haddana maamo weyn ayay keeneen, waxay dadka uga faa’idaysanayaan duruufta, umaddana kama xishoon, waxay la’yihiin ajende siyaasadeed oo ay umadda la horyimaadaan.
Waxaan wadaynaa in aan kashifna ajende la’aantooda, siyaasad xumadooda iyo in aysan danta umadda ka shaqaynayn”, Ayuu yiri Wasiir Fiqi.



