Wasiir Geesood iyo Abwaan Jibriil oo eedaymo ujeediyey Puntland.

17 July, 2025

Wasiirka ganacsiga xukuumadda Somalia Maxamuud Aadan Geesood ayaa cisbital kuyaalla Magaalada Laascaanood ku nooqday dhaawacyada askar…

Wasiirka ganacsiga xukuumadda Somalia Maxamuud Aadan Geesood ayaa cisbital kuyaalla Magaalada Laascaanood ku nooqday dhaawacyada askar ka amar qaadanaysay oo Dhahar kula dagaalantay ciidanka Puntland.

Wasiirka oo uu weheliyo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in ciidankaani aysan ahayn kuwa ay leedahay DFS, haseyeeshee ay ka soo jeedaan gobolka Haylaan iyagoo Puntland ku eedeeyey xansuuq dadweyne.

“Hubkii iyo ciidankii loogu talagalay in lagula dagaalamo burcad-badeeda ayaa Dhahar lagu weeraray, cidna nama khasbi-karto, waxgaradka Puntland ee sharafta leh waxaan leenahay sidaas nama dhaqdo, Walaahi SSC-Khaatumona waa la dhisayaa, cid joojin karaysa ma jirto”.

“ Shacabka Puntland waa dad xariir ah, 13 sano ayaan ka shaqaynayay Puntland, lagumana dhiqi-karo talada xun ee Said Deni, dadka SSC waxaan leeyahay u midooba difaaca deegaankiina”, Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Abwaan.