Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland iyo heer Federal Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa dhaliil ujeediyey…

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland iyo heer Federal Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa dhaliil ujeediyey siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadib dibadbaxyadii ay shalay kala qayb galeen shacabka caasimadda.
Juxa, ayaa siyaasiyiinta ku dhaliilay inaysan ka soo dhalaalin doorkii laga filayey ee abaabulka dibadbaxyo xooggan iyo saamayn ay ku yeeshaan goofkooda oo ah inta badan Magaalada Muqdisho, xilli ay dowladdu cadaadis ku saartay arrimo badan.
Siyaasiyi Juxaa ayaa sheegay in mucaaradka Muqdisho aysan madaxweyne Xasan Sheekh ku khasbi karin in uu kubadda dhulka dhigo oo ay yihiin kuwa sii tabar yaraanaya maalinba maalinta ka dambeysa.
“Xamar maanta kama dhicin bannaanbax Xasan Sheekh Maxamuud ku khasbi kara inuu kubadda dhulka dhigo. XSM afar cisho ayaa u harsan, mucaaradkuna caawa waa ka tabar daran yihiin xalay, Maxaa u furan Puntland iyo Jubaland?” Ayuu yiri Wasiir hore Juxaa.



