Wasiir hore Juxaa oo ka hadlay mowqifkiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta xilka ku wareejiyey wasiirka…

5 April, 2026
Cabdi faarax Juxaa

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta xilka ku wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiir Juxaa ayaa sheegay in Qarjab ku soo beegmay xilli uu dalku kujiro xaalad adag oo siyaasadeed ayna halis kujirto jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya ayna dowladda federalka ah doonayso inay keligeed dalka maamusho, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaad ku soo beegmaysaa iyadoo dastuurkii federalka ahaa la beddeley nidaamkii iyo taladii dalka meel qura ay taallo, maamul goboleedyadii qaar meesha laga saaray, Jamhuuriyaddii saddexaadna Baydhabo lagu aasay markii maamulkii la afgembiyey wareegto Xamar ka soo baxdayna madax loogu magacaabay”, Ayuu yiri Wasiir hore Juxaa.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu noqon doono oday reer Puntland ah oo geed fadhi u ah arrimaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

“Juxaa wuxuu noqon doonaa oday Soomaaliyeed oo geed fadhi ah oo weliba geed abaareed ah oo aan isbedbeddelin, waxaan noqon doonaa mid aan beddelin mowqifkiisa siyaasadeed ee arrimaha siyaasadda dalka”, Ayuu yiri Juxaa.