Wasiir Juxaa oo Madaxweyne Deni ugu baaqay inuu qabto kulamo wadatashi ah.

4 July, 2026

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland, Siciid…

Cabdi faarax Juxaa

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu xoojiyo talo-wadaagga iyo wadatashiga uu la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshooyinka Puntland.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu Wasiir hore Juxaa ku sheegay in la joogo xilligii ay xukuumaddu kulmin lahayd bulshada Puntland, si hanaan midaysan loogu wajaho marxaladaha siyaasadeed ee Somalia iyo midnimada Puntland.

“Madaxweyne Deni-yow, talo way kaa baahday ee talo iyo wadatashi geli reer Puntland, Reer Puntland-now, Deni keli ah haku hallaynina dalka ee is-difaaca oo ilaashada dawladnimadiinna iyo wadajirkiinna. Maleeshiyaad shaah iyo shaxaad loo diro yaan laydinku dumin”, Ayuu yiri Wasiir hore Juxaa.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Puntland ka taagan yihiin dooddo iyo xaalado siyaasadeed oo la xiriira ciidamada ay dowladda federalka ah ee Somalia ka qoranayso deegaamada Puntland.