Wasiir katirsan Puntland oo DFS ku eedeeyey inay la shaqayso Daacish.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia inay xiriir la…

7 November, 2025

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia inay xiriir la leeyihiin kooxaha ay dagaalka kula jirto Puntland gaar ahaan Daacishta ku sugan Cal-miskaad.

Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwaahaab ayaa sheegay in qaylada iyo hadal haynta ku aadan Boosaaso ay ka dhalatay jabka kooxda Daacish ka soo gaarey furimaha dagaalka buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

“Qayladuba waa jabka iyo naasa beelka ku dhacey Argagixisada Daacish/ISIS ee Calmiskaad laga sifeeyey. Waa dhab in Xukuumadda Xamar iyo kooxaha Ajaanibta ah ee la shaqaysta ee dacaayadaha Puntland ku wada ay Garab iyo Gaashaan u yihiin Argagixisada Daacish”, Ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Eedaynta wasiirka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay xukuumadda Puntland beenisay inaan garoonka diyaaradaha Boosaaso laga abaabulin dagaalka Suudaan aysanna adeegsan diyaaradaha dagaalka ee Imaaraadka Carabtu.