Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay socdaal aan horay loo sii shaacin oo uu mid…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay socdaal aan horay loo sii shaacin oo uu mid kamid ah golaha xukuumadda maamulka Somaliland ku gaarey Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maamulka Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa la xaqiijiyey inuu habeenimadii xalay ku hoydey Magaalada Dhahar oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo inkastoo maamul ahaan ay gacanta ku hayso Puntland.
Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Dhahar ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in safarka wasiirku uusan salka ku hayn wax siyaasad ah isla markaana uu Dhahar u yimid booqasho qoyskiisa ah iyo ka wardoonka xaaladdooda.
Imaanshaha Wasiir Buureed ee Magaalada Dhahar ayaa siweyn uga caraysiisay maamulka Waqooyi Bari Somalia, oo xubno katirsan sheegeen in Puntland ay xiriir wanaagsan la leedahay maamulka Somaliland una ogolaatay imaanshaha wasiirka ee Dhahar.




