Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka ah ee Somalia Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur),…

Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka ah ee Somalia Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa ka hadlay dagaalka ay DFS kula jirto kooxdii uu horay uga tirsanaa ee Alshabaab.
Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa sheegay in dagaalka uu kula jirto kooxda Alshabaab uusan dhammaad lahayn isla markaana uu waajib ku yahay qofkasta Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda in dalka laga xoreeeyo.
Wasiirka ayaa sheegay inuusan dhigin qorigii uu Alshabaab u qaatay xilligii uu dibad joogga ahaa, wuxuuna caddeeyey in xilliga la waraysanayo uu wato qori iyo baastoolad si uu isaga difaaco Alshabaab.
“Xafiiskayga qoriga iyo booshkiisa ayaa miiska ii hoosyaalla oo maba dhigo, taasina waxay caddayn u tahay halka uu gaarsiisan yahay dagaalka nimankaas naga dhexeeya”, Ayuu yiri wasiir Roobow.



