Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefanka kulan kula yeeshay Wasiirka cusub ee…

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefanka kulan kula yeeshay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait Sheekh Jarraah Jaaber Al-Axmad Al-Sabah.
Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Somalia ayaa dhiggiisa cusub ee Kuwait ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, iyagoo ka wada hadlay wadashaqaynta labada dhinac iyo xoojinta xiriirkooda diblumaasiyadeed.
Dhanka kalena, Wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa uga mahad celiyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay Dowladda Kuwait mar walba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda Somalia ayaa muddooyinkii dambe xoojisay galaangalka diblumaasiyadeed ee dalalka caalamka tan iyo markii ay Israel dowlad madax-banaan u aqoonsatay Somaliland.



