Xubnaha golaha xukuumadda Puntland ayaa lagu amray inay si deg deg ugu soo xeroodaan Magaalada Garoowe…

Xubnaha golaha xukuumadda Puntland ayaa lagu amray inay si deg deg ugu soo xeroodaan Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, xilli uusan muddo qabsoomin shirkii golaha xukuumaddu.
Golaha wasiirada ayaa lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan u soo galaan Magaalada Garoowe, inkastoo aan lala wadaagin macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada amarkan.
Golaha wasiirada Puntland oo ku kala maqan dalka dibaddiisa iyo gobolada kala duwan ee Puntland ayaa lafilayaa inay saacadaha soo socda soo gaaraan Garoowe oo Jimcadii hore lagu soo dhaweeyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Warar hoose oo ay heshay HM ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu dhawaan isku shaandhayn xooggan ku samayn doono golaha wasiirada, agaasimayaasha guud iyo xubno kale oo dowladda katirsan.