Wasiiradda haweenka Puntland oo la waydiiyey mashruuc ay leexsatay.

28 June, 2025

Barlamaanka Puntland oo kujira kal-fadhigooda 56aad ayaa maanta su’aalo waydiiyey wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland…

Barlamaanka Puntland oo kujira kal-fadhigooda 56aad ayaa maanta su’aalo waydiiyey wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Maryan Axmed Cali.

Wasiiradda ayaa wax laga waydiiyey mashruuc loogu talagalay carruurta Puntland oo ay horay u kala saxiixdeen hay’adda Save The Children iyo machadka cilmibaarista ee SIDRA, ayna wasaaraddu amar ku bixisay joojintiisa.

Wasiiradda ayaa sheegtay inaysan jirin wax warqad ah oo xafiiskeedu kujoojiyey mashruucaasi, haseyeeshee ay arrinta kala hadleen maamulka hayadda Save maadaama ay wasaaraddeedu xaq u lahayd fulintiisa.

“Wasaaradda iyo NGO-yada shaqo iskumalahan anagu waxaan la saxiixanaa hay’adaha caalamiga ah, markii mashruuc la codsanayo waxaa lagu cosadaa magaca dowladda iyo hay’adda leh hoggaankiisa, SIDRA shaqo kuma lihin, anagu waxaan mashruuca u doonanay qoladii keentay, waxaan u yeernay SAVE oo waydiinay mashruucaan oo aan anigu horay saxiixay”.