Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qaybgalay Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee…

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qaybgalay Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol oo ka dhacay magaalada Marrakech ee dalka Morocco. Shirkan ayaa muhiim u ah wadashaqaynta caalamiga ah ee dhinaca amniga.
Intii uu shirka socday, Wasiir Fartaag ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Interpol, Mudane Axmed Naasir, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adda caalamiga ah ee Interpol. Kulanka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kobcinta xiriirka labada dhinac.
Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay la dagaallanka dambiyada abaabulan, ka hortagga argagixisada iyo is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah. Sidoo kale, waxa ay isla meel dhigeen in la xoojiyo tababarrada iyo taageerada farsamo ee loo fidiyo hay’adaha amniga Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Interpol doorka ay ku leedahay xasilinta amniga caalamiga ah, isagoo caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee heerka caalami. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto wada shaqaynta laamaha amniga ee caalamka.
Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga, isagoo ballan qaaday in Interpol ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya. Shirkan ayaa Soomaaliya u ahaa madal ay ku muujiso kaalinteeda amniga caalamiga ah.




