Wasiirka Amniga oo Muqdisho kula kulmay Danjire James Swan

28 September, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga…

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan. Kulankan ayaa lagu lafa guray xaaladda amniga iyo iskaashiga dhanka amniga ee dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka laga sameeyay amniga caasimadda tababarrada ciidamada daraawiishta iyo dardargelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP. Waxaa sidoo kale laga hadlay ka hortagga askareynta carruurta arrin muddo dheer caqabad ku ahayd ammaanka iyo xuquuqda bulshada.

Wasiirka Amniga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan hay’adaha amniga dalka. Wuxuu xusay in iskaashigaasi uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo guulaha amniga ee dalka laga gaaray, gaar ahaan caasimadda.

Dhankiisa Ergeyga Qaramada Midoobay Danjire James Swan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada iyo wada shaqeynta lala leeyahay hay’adaha amniga Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mudnaan gaar ah la siin doono amniga caasimadda iyo hirgelinta barnaamijyada taageerada amniga.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saaraysa dib u habeynta ciidamada kordhinta tababarrada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo dowladnimo adag.