Wasiirka Amniga Puntland oo digniin u diray bulshada kunool Cal-miskaad.

5 June, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa shacabka deegaamadii laga saaray malayshiyaadka Daacish ee gobolka Bari ugu baaqday inay garab…

Xukuumadda Puntland ayaa shacabka deegaamadii laga saaray malayshiyaadka Daacish ee gobolka Bari ugu baaqday inay garab istaagaan ciidanka soona gudbiyaan xogta firxadka kooxdaasi.

Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), oo la hadlay shacabka deegaanka Tuurmasaale ee gobolka Bari ayaa muujiyey inay jirto habacsanaan bulsho kadib markii laba ruux oo Daacish katirsan miino ku aaseen deegaamo ka agdhaw tuuladaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in doorkii bulsho ee deegaanku maqan yahay aysanna u dulqaadan doonin inay ka cabsadaan Daacishta gabalkeedu dhacay ee xilligaan ciidamadu ku baacsanayaan buuraleeyda durugsan ee Cal-miskaad.

“Nimankii aad ka biqi jirteen ma noola asaaggiina buurahaas ayuu ku cayrsanayaa, maxaa idiin diidey inaad ciidanka raacdaan oo qoryaha qaadataan, dadka ma raacaysaan oo xogta ma keenaysaan”, Wasiirk Amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo la hadlay shacabka Tuurmasaale.