Wasiirka arrimaha dibada Iran, Abbas Arakchi ayaa booqday Saudi Arabia markii ugu horeysay kadib dagaalkii Iran iyo Israel.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman (MBS) ayaa magaalada Jeddah kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi booqashadii ugu horreysay oo mas’uul sare oo Iran ka tirsan uu ku tago boqortooyada kadib dagaalkii Israa’iil ay la gashay Iran.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in wadahadalka Araghchi uu la yeeshay Amiir Mohammed iyo mas’uuliyiinta kale ee Sacuudiga Talaadadii ay ahaayeen “mirro-dhal”.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa sheegtay in Araghchi iyo Amiir Mohammed “ay ka wadda hadleen xiriirka labada dal, waxayna ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka”.
Waxay intaas ku dartay in Araghchi uu u mahadceliyey boqortooyada “inay cambaaraysay gardarrada Israa’iil”.
Diblumaasiga ugu sarreeya Iran ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga Khalid bin Salman bin Abdulaziz iyo wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud.
Israa’iil ayaa 13-kii June duqeymo ba’an ku qaadday Iran oo ay ku dishay taliyayaashii ugu sarreeyey ee militariga, saynis-yahannada nukliyeerka iyo sidoo kale boqolaal rayid ah.
Iran ayaa ku aargudatay gantaallo ay ku duqeysay Israa’iil oo khasaare baddan dhaliyey.



