Safarka toddobaad qaadan doona ee Wasiirka arrimaha dibadda Afgaanistaan ku tagay India ayaa ah booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Taalibaan ah dalkaasi ku tago.

Wasiirka Amir Khan Muttaqi, oo weli ku jira liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay, ayaa helay qaadista xayiraada oo ku meel gaar ah, socdaalkiisan.
Muttaqi oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka tirsan ganacsiga Afgaanistaan iyo wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa la kulmaya mas’uuliyiinta Hindiya oo uu kala hadli doono xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo dhaqaalaha inta uu ku guda jiro booqashadiisa.
Xiriirka Hindiya iyo Talibanka, ayey khubaradu ku sheegeen inay qayb ka tahay siyaasadda cusub ee New Delhi ay doonayso inay kaga hortagto saamaynta Pakistan ee Afgaanistaan, xili ay jiraan weerarrada xuduudaha ee dalalkaasi dhexmaray.



