Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in marin biyoodka Hormuz uu “si buuxda u furan yahay”

17 April, 2026

Iiraan waxay sheegtay in “marinka dhammaan maraakiibta ganacsiga ee mara marinka Hormuz” uu furmayo inta lagu jiro xabbad-joojinta Israa’iil iyo Lubnaan.

Iiraan waxay sheegtay in marin biyoodka Hormuz uu “si buuxda u furan yahay” dhammaan maraakiibta ganacsiga, isla markaana uu sii ahaan doono inta lagu jiro xabad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan uu “aad ugu dhow yahay”.

“Sida ku cad xabad joojinta Lubnaan, dhammaan maraakiibta ganacsiga ee mara marin biyoodka Hormuz ayaa si buuxda loo shaaciyay inay furan tahay inta ka harsan muddada xabbad joojinta,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ku yiri qoraal uu soo dhigay bogga X Jimcihii.

Xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan oo 10 maalmood ah ayaa lagu heshiiyay Khamiistii shalay.

Ka dib markii Araghchi uu ku dhawaaqay in Marinka Hormuz furanyahay, qiimaha saliidda ayaa hoos uga dhacay $90 fuustadii. Qiimaha caalamiga ah ee Brent ayaa hoos ugu dhacay $87.94 fuustadii, taasoo ah hoos u dhacday 11.5%. Saliidda cayriin ee Mareykanka ayaa hoos u dhacday lacag la mid ah $83.33 fuustadii.