Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN oo gaaray Islamabad

25 April, 2026

Wafdiga ka socda Iran ayaa gaaray caasimada dalka Pakistan, iyadoo rajo laga qabo in halkaasi ay markale ka furmaan wadahadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.

Aqalka Cad ayaa sheegay in wafdiga Mareykanka oo ay hogaaminayaan Steve Witkoff iyo Jared Kushner ay maanta u safri doonaan magaalada Islamabad, si ay wadahadal ula yeeshaan wafdiga Iran.

Laakiin afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegay “in aan la qorsheyneynin in wax kulan ah uu dhexmaro wafuuda Iran iyo Mareykanka”, “Isla markaana Iran ay sharuudaheeda u gudbin doonto dowlada Pakistan”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaalka loogu jiro inay mirro dhalaan wadahadallada.