Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo magaalada Abu Dhabi kula kulmay dhiggiisa Israa’iil

7 April, 2025

Wakaalladda Wararka Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Abdullah bin Zayed Al Nahyan uu ku qaabilay Abu Dhabi dhiggiisa dalka Israa’iil, Gideon Saar.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in kulanka looga hadlay dhibaatada bini’aadantinimo ee ka sii dareysa ee Marinka Qasa iyo dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu doonayo in dib loo bilaabo heshiiskii hubaynta, xabad joojinta, iyo sii deynta maxaabiista.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta uu carabka ku adkeeyay ka shaqeynta si loo gaaro xabad joojin iyo sii deynta maxaabiista.

Sidoo kale, Wakaaladdu waxay ka soo xigatay Wasiirka Imaaraatka Carabta in xaaladaha murugada leh ee soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qasa ay u baahan yihiin dadaallo lagu xaqiijinayo qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee degdega ah.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Saar ayaa sheegay in Abu Dhabi uu markii labaad kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta Abdullah bin Zayed, oo ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Horseed Media