Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf oo ku guuleystya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika

15 February, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

33-cod ee looga baahnaa ayuu xaqiijiyay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaaday Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad, sidoo kale, tartanka doorashada waxaa qeyb ka ahaa Richard Randriamandrato oo ka soo jeeda dalka Madagascar.

Raila Odinka oo helay 22-cod, ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yusuf.

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii

Waxa uu sheegay in guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare.

Marka laga soo tago ilaalinta nabadda iyo amniga qaaradda, waxa uu sheegay in hamigiisu yahay in uu kobciyo horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Waxa uu ku faanayaa in uu ku hadli karo luqado kala duwan, waxaana uu aaminsan yahay in awooddan isgaarsiineed ay awood u siinayso in uu noqdo buundo isku xiri doonta woqooyiga iyo koonfurta, bari iyo galbeed.