Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo soo Gaaray Muqdisho.

28 August, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Cabdiqadir Xuseen Cumar, ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Waxa uu hoggaaminayay…

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Cabdiqadir Xuseen Cumar, ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Waxa uu hoggaaminayay wafdi ballaaran, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali.

Booqashadan rasmi ah ayaa socon doonta afar maalmood waxayna qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Inta uu ku sugan yahay Muqdisho Wasiirka Jabuuti ayaa kulamo la yeelan doona dhiggiisa Soomaaliya si loo horumariyo iskaashiga labada dal.

Labada dhinac waxaa la filayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo ku saabsan arrimo dhowr ah oo muhiim u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah. Heshiisyadani waxay ka tarjumayaan xiriirka istaraatiijiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dowladood.

Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho isagoo sheegay in maalmaha uu joogo uu la kulmi doono madaxda sare ee Soomaaliya. Waxa uu xusay muhiimadda xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta joogtada ah.

Jabuuti waxaa Soomaaliya ka joogta ciidamo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta AUSSOM, Jabuuti ayaa ah dowladda ugu dhow Soomaaliya ee xiriirka joogta ah la leh iyadoo door muuqda ka ciyaarta xasiloonida iyo amniga dalka.