Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in…

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furan oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah.
โMaanta oo aan helnay shidaal waxaa loo baahan yahay in laga faaโideysto soo saarista kheyraadka ku jira badda iyo berrigga si aan u gaarno horumar boqolka sano ee soo socdaโayuu yiri wasiirku.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu ka dalbaday shirkadaha caalamiga ah in ay ku soo dhiiradaan dalka, isla markaana ay la yimaadaan kalsooni dhab ah oo lagu qabi karo shaqadooda.
Horseed Media




