Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta hortagay…

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta hortagay Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii guddigu xafiiskooda ugu yeereen isaga iyo masuuliyiin kale oo la socday.
Ka dib marka uu wasiirku hortagay guddiga, xubnaha ayaa waxa ay ka weydiiyeen howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira kor-joogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Guddigu si gaar ah ayaa uu wasiirka uga dalbaday warbixin ku saabsan hannaanka ay u hirgashay siyaasadda beeraha ee horay loo ansixiyay, iyo qorsheyaasha wasaaraddu u dejisay yareynta ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga keeno, si loo xoojiyo wax-soosaarka gudaha.
Sidoo kale, wasiirka ayaa laga weydiiyey xaaladda guud ee kannaallada iyo nidaamyada waraabka dalka, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagu horumarinayo kaabayaasha la xiriira beeraha, kuwaas oo dhammaantood uu wasiirku si faahfaahsan uga jawaabay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil, oo kulanka shir-guddoominaysay, ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha uga mahadcelisay xogta dhammaystiran ee ay ka bixiyeen howlaha qaranka, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo dardargeliyo adeegyada iyo horumarinta danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.



