Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa ka hadlay eedeymo ay soo jeediyeen xisbiyada mucaaradka ee Puntland,…

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa ka hadlay eedeymo ay soo jeediyeen xisbiyada mucaaradka ee Puntland, kuwaas oo dhaliilay heshiiskii dhawaan magaalada Nairobi ku dhexmaray Puntland iyo maamulka Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in mucaaradku ay ka leexdeen danaha shacabka, isagoo ku booriyey inay diiradda saaraan arrimaha bulshada iyo horumarka, halkii ay ku mashquuli lahaayeen eedeymo siyaasadeed.
Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in heshiiska Puntland iyo Somaliland uu yahay mid ku dhisan nabad, amni iyo wada noolaansho, isla markaana uu fursad u yahay in la dhiso is-aaminaad iyo iskaashi cusub oo labada dhinac ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in heshiiskaasi uusan waxba u dhimeyn midnimada Soomaaliya, balse uu yahay talaabo lagu xoojinayo wadajirka iyo nabadda guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda ayaa xusay in Puntland ay mar walba ahayd hormuudka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, tan iyo aasaaskeedii 1998, isla markaana ay mar walba ka shaqeysay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka. Wuxuu sheegay in Puntland aysan marnaba ka shaqeyn wax u horseedaya kala qeybsanaan, balse ay diyaar u tahay xal iyo wada hadal ku dhisan dan guud.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in hadda la gaaray xilli ay maamulada deriska ah u baahan yihiin inay iska kaashadaan amni, horumar iyo la dagaallanka argagixisada, halkii ay dagaallo iyo khilaaf ku kala tegi lahaayeen. Wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalkii hore ee u dhexeeyay maamulka Muuse Biixi iyo Puntland, isagoo sheegay in hadda la doorbidayo nabad iyo wada deganaansho.
Heshiiska labada dhinac ku dhexmaray Nairobi ayaa ka koobnaa qodobo ay kamid yihiin: iskaashi buuxa oo amni, la dagaallanka argagixisada, kobcinta ganacsiga, isweydaarsiga xogaha amniga, iyo in si joogto ah loo yeesho shirar wada-tashi ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka labada maamul.



