Wasiirka caddaaladda Puntland oo ka hadlay isdhaafsiga maxaabiista.

30 April, 2025

Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa ka hadlay qorshaha ay maxaabiista isku dhaafsanayaan Puntland iyo Somaliland,…

Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa ka hadlay qorshaha ay maxaabiista isku dhaafsanayaan Puntland iyo Somaliland, isagoo xusay inay tahay tallaabo lagu xoojinayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Maanta waxaan ku wareejiney dowladda Somaliland 15 Maxbuus oo ka mid ah maxaabiista lagu soo qabtey dagaaladii ka dhacey Gobalka Sool 2023. Somaliland ayaa dhankeeda ku soo wareejisey dowladda Puntland 11 Maxbuus oo horey loogu qabtey isla dagaaladii ka dhacey Gobalka Sool.

Tani waa tilaabo wanaagsan oo loo qaadey dhanka iskaashiga nabadgalyada, amniga, ganacsiga, walaalnimada iyo isdhexgalka bulshadeena. Waa wax lagu farxo in wiilal Somaliyeed oo 2 sano xabsi ku jirey ay maanta dib u helaan xorriyadoodii, lana midoobaan qooysaskoodii iyo eheladooda.