Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, ayaa maanta oo Isniin ah booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka waxaa soo dhoweeyay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb. Mohamed Ali Nur, oo ay wehliyaan Maareeye Ku-xigeenka dekeda, Ismaaciil Siciid Awmuuse iyo masuuliyiinta kale.

Sidoo kale, munaasabadda soo dhaweynta waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska Dekedda Muqdisho iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Dekedda Muqdisho.
Booqashada Wasiirka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maamulka Dekedda Muqdisho, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta howlaha shaqo, tayeynta adeegyada dekedda iyo kor u qaadista hufnaanta maamulka iyo shaqada dekedda.

Booqashadan ayaa sidoo kale muujinaysa muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta Wasaaradda iyo Maamulka Dekedda, si loo sii xoojiyo doorka Dekedda Muqdisho ee adeegyada ganacsiga iyo gaadiidka badda ee dalka.
Horseed Media