Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga hadlay xaaladda…

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayaa si toos ah ugu weeraray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka ayaa sheegay in Laftagareen lagu wargeliyay in heshiiska kirada guriga uu ku deganaa uu ku ekaa 19-kii December 2022, islamarkaana wixii ka dambeeyay uu si isfaham ah ku joogay, taas oo uu tilmaamay in aysan jirin wax sharciyad rasmi ah oo sii socota.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa xusay in Koonfur Galbeed aysan noqon doonin meel mar kale lagu “afduubo” Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Koonfur Galbeed goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac”, Ayuu yiri Wasiirka oo muujiyey in Koonfur Galbeed xoog horay loogu geeyey Lafta-gareen xilligii xukuumaddii Nabad iyo Nolol.



