Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

7 December, 2025

Wasiirka Wasaaradda  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha…

Wasiirka Wasaaradda  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyadoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.