Wasiirka Maaliyadda Puntland oo barlamaanka horgeeyey warbixinta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026.

30 November, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Siciid oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Siciid oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟗-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Ansixinta, diidmada iyo wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Dawladda ee 2026, waxaana golaha horgeeyay warbixinta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, wasiirka maaliyadda iyo xubno katirsan wasaaraddiisa.

Ugu danbayn, waxaa lagu wareejiyay 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 ee Golaha Wakiillada, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 4 December 2025.