Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirweynaha bangiga adduunka ee Washington

25 April, 2025

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka heerka sare ee Bangiga Adduunka, kaas oo qeyb ka ah shirarka xilliga Gu’ga ee Washington ka soconaya.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige waxa uu jeediyay khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah ah ee shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaalada u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.

Marka loo eego xaaladda dalalka soo koraya, colaadaha iyo masiinooyinka dabiiciga ahna ay ku dheceen, Soomaaliya waxa ay hoggaaminayaa sida loo maro dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Horseed Media