Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Puntland ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijisay xaqiijisay geerida AUN Lataliyihii arrimaha…

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Puntland ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijisay xaqiijisay geerida AUN Lataliyihii arrimaha caafimaadka ee Madaxweynaha Puntland Dr. Abdirahman Siciid Gacameyn (Dhegaweyne).
AUN Dr. Abdirahman Siciid Gacameyn (Dhegaweyne), oo ku geeriyoodey deegaanka Kala-baydh ee gobolka Bari ayaa horay u soo noqday wasiirka caafimaadka Puntland, agaasimaha Hay’adda AIDS-ka ee PAC, isagoo kamid ahaa aasaasayaashii Puntland.
Wasiirka caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Dr. Abdirahman Siciid Gacameyn (Dhegaweyne), oo sanadkaan gudihiisa mar ku soo dhaawacmay dagaalka Cal-miskaad.
“Wasiirka wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo ku hadlaya magaca wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland iyo bahda caafimaad ayaa tacsi udiray allaha unaxariistee Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey Lataliyahii madaxweynaha caafimaadka iyo wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka oo Galabta Kalabayr ku geeriyooday.
Dr Abdirahmaan ayaa kamid ahaa wasiiradii caafimaadka ee shaqada la tabaan karo ka qabtay wasaaradda, sidoo kalena qayb ka ahaa dajinta siyaasadaha lagu hormarinayo caafimaadka.
Wasiirka ayaa allaha SWC u weydiiyay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo,eheladii, qaraabadii, bahdii caafimaadka iyo qoyskii uu ka geeriyooday”.



